Atoore caan ah oo lagu sameeyey wixii uu filimada ku jili jiray.

0
382

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya xiddiga jila filimada Hollywood-ka ee, Arnold Schwarzenegger, oo lagu weeraray munaasabad ka dhacaysay dalka Koonfur Afrika.

71 jirkaan oo ah guddoomiyihii hore ee gobolka California ayaa dhex galay taageerayaashiisa xilli ay socotay munaasabadda bandhig ciyaareedkiisa lagu magacaabo Arnold Classic Africa sporting ee ciyaartooyda lagu tababaro, waxaana dhabarka ka haraatiyey mid kamid ah raggii munaasabadda kasoo qayb galay.

Ninkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in dhacdadaas kaddib gacanata lagu dhigay.

Schwarzenegger ayaa bartiisa twitter-ka uga mahad celiyey taageerayaashiisa iyo sida ay arrintaas uga xumaadeen, balse waxa uu ku adkaystay “in aanay jirin wax laga walwalo”.

Muuqaalka ayaa si weyn ugu baahay  baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, wuxuuna muujinayey Mr Schwarzenegger oo taageryaashiisa sawirro kula galayaha munaasabad ka dhacaysay magaalada Johannesburg kadib markii nin soo booday uu labadiisa lugood oo wadajira hal mar dhabarka uga dhuftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here