Baladweyne: Wiil dhalinyaro ah oo dhaqista baaburta ka mareeya noloshiisa

0
408
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inkastoo dhalinyaro badan xiligan la dala dhacayan shaqo la’aan heysta haddana Nuur Cumar   oo ah wiil dhalinyaro  islamarkana ku nool magaalada Baladweyne ayaa ku dhiraday inuu  shaqeysto isaga oo dhaqa gaadiidka.

Nuur Cumar ayaa Radio Beerlula u sheegay in hal kii nooho uu ku dhaqo labo dollar islamarkana maalintii uu dhaqo ilaa lix nooho  sidaasna uu ku dabaro noloshiisa.

Sidoo kale Nuur ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu galina wax barto galina shaqeysto.

Maxamed Daahir oo ka mid ah dhalinyarada gaadiidka u dhaqo Nuur Cumar ayaa Radio Beerlula u sheegay inuu ku faraxsan yahay shaqada uu abuurtay Nuur.

Dhalinyaro kale oo la mid ah nuur Cumar ayaa nolosha reerkooda ka dabara dhaqista baaburta si ay uga marmaan tahriibka.

Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara ayaa warbixintan noo haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here