Dalagyada ka soo goa beeraha gobolka Hiiraan oo lagu soo bandhigay Baladweyne

0
834

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabadan oo aheyd mid lagu soo bandhigayay dalagyada ka soo go’a beeraha gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay duqa magaalada Baladweyne iyo  iskaashatada Beeraleyda damaloow.

Iskaashatada Beeraleyda damaloow ayaa goobta munaasabadda ku soo bandhigay qudaarta nuucyadeeda kala duwan taasoo sannadkii ugu dambeeyay uu gobolka Hiiraan horumar ka gaaray.

Qaar ka mid ah iskaashatada Beeraleyda damaloow ayaa maamulka iyo xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ka dalbaday in lagu garab istaago wax soo saarka  beeraha.

Duqa magaalada Baladweyne  Khadar Xassan Afrax ayaa beerleyda ku dhiri geliyay inay sii laba jibaaran dadaalka ay ugu jiran wax soo saarka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here