Haween ku nool Kismaayo oo maalgelin loo sameeyay

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Kismaayo ee gobolka jubbada hoose ayaa lagu qabtay munaasabad shaqo abuur loogu sameeynayay haween la baray sida xashka dhuxul looga sameeyo iyo qaabka cagadaha biyaha laga cabo looga dhisayo guryo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan maamulka gobolka jubbada hoose, xubno ka socda hay’adda maalgelineysa mashruucan ee UN-Habit iyo haweenka fursadahan shaqo loo abuuray.

Cabdiraxmaan Maleele oo ka tirsan hay’adda UN-habit ayaa sheegay in haweenkan maalgelinta loo sameeyay ay ku kormeeri doona sida ay uga faa’ideystan shaqo abuurkan.

Luul oo ka mid ah haweenka xirfadda la baray islamarkana shaqo abuurka loo sameeyay ayaa sheegtay inay ka soo bixi doonaan waajibaadka saaran.

Agaasimaha arrimaha bulshada gobolka jubbada hoose Jaamac Ugaas  ayaa hadalo dardaran ah u jeediyay haweenka maalgalinta loo sameeyay.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here