Banaanbaxyo markale ka bilowday dalka Suudaan.

0
350

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ciidammo badan ayaa la geeyay agagaarka saldhigga ciidammada militariga ee Suudaan ee magaalada Khartuum halkaas oo ay ku dibadbaxayaan kumanaan qof oo ku baaqaya inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Waxay ciidammada xireen waddooyinka ku agdhaw xarunta madaxtooyada ee Suudaan.

Mar sii horreysay, ciidammada amniga ee Suudaan ayaa rasaas nool iyo sunta dadka ka ilimeeysiisa ku furay dad bannaanbaxa ka dhigayay halkaasi.

Tan iyo sabtidii, dibadbaxyada waxay ka socdeen afaafka hore ee saldhigga militariga ee Khartuum.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku warramay in qaar kamid ah ciidammada militariga ay soo faragelliyeen xaaladda, waxaa ay difaaceen dibadbaxyaasha oo ay is hor fadhiyeen booliska.

Wasiirka warfaafinta dowladda Suudaan, Xasan Ismaaciil ayaa sheegay in gebi ahaanba la eryay dadkii dibadbaxyada ka dhigayay afaafka hore ee saldhigga militariga ay ku leeyihiin magaalada Khartuum.

Wasiirka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin dad ku dhaawacmay dibadbaxyada maanta halkaasi ka socday.

Waxaa uu meesha ka saaray in qaar kamid ah ciidammada ay u gurmadeen dadka bannaanbaxa dhigayay balse ay si wadajir ah uga shaqeyeen xoojinta amniga magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here