Bangi malaayiin lacag ah looga dhacay Cagafcagaf

0
371

Baladweyne(Radio Beerlula)-Falalka dhaca ah ee loo geysto bangiyada ayaa inta badan loo adeegsadaa hub iyo siyaabo kale oo lagu jabsado sanduuqyada lacagta, hase yeeshee sheekadan way ka duwan tahay sidaas waxaana dhaca bangigan loo adeegsaday hab cajiib ah oo ay dad badan la yaabeen.

Muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV-ga ee lagu ilaaliyo meheradaha ayaa muujisay Cagafcagaf wayn, oo ah nooca dhulka lagu qodo, oo jajabinaysa albaab laga galo goob kaalin shidaal ah oo ku taala magaalada Dungiven ee waqooyiga Ireland.

Koox tuugo ah ayaa la sheegay in malaayihiin dollar ka dheceen  mashiinka lacagaha bangiga lagala baxo ee loo yaqaanno ATM-ka.

Booliska oo baaritaan ku wada dhacdadan ayaa baahiyay muuqalkan si loo soo helo tuugada gaysatay fallkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here