Barcelona oo cashar lama ilaawaan ugu dhigtay Kooxda Liverpool

0
420

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Liverpool kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League kaddib ciyaar ku dhamaatay 3-0.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka ayaa ahaa    mid aad u xiiso badan waxaana hogaanka ciyaarta ku qabatay 1-0 kooxda Barcelona oo ku ciyaareysay garoonkeeda.

Suarez oo horey u soo xirtay maaliyada Kooxda Liverpool ayaa ka dhaliyey gool kooxdiisii hore kaddib caawin uu ka helay dambeedka daafaca bidix ee Alba daqiiqadii 26-aad.

Liverpool oo marti aheyd ayaa ku fashilantay in ay la yimaadaan hal fursad oo gool loo filan karay qeebtii koowaad ee ciyaarta, ugu dambeena kulanka qeebtiisa koowaad ayaa ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Barcelona.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan, kooxda Liverpool ayaana ku soo gashay dar dar aad xoogan balse uma suura galin in iska soo gudaan goolka deenta ah.

Messi ayaa mugdi giliyey rajadii Liverpool isaga oona dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta, goolka Messi ayaa ka dhignaa goolkii ugu horeeyey ee uu ka dhaliyo Liverpool.

Waqti yar kaddib laacibka reer Argentina ee Messi ayaa mar kale gool il qabad leh oo laad xur ahaa ka dhaliyey Liverpool daqiiqadii 82 aad ee ciyaarta,natiijada kulanka ayaana isku badashay 3-0.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa ku soo idlaaday 3-0 oo ay ku adkaadeen Kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here