HORDHAC : Arsenal VS Valencia? Xogta kulanka iyo safafka macquulka ah ka hor kulanka

0
399

Baladweyne(Radio Beerlula)-  Kooxda Arsenal ayaa mininkeeda ku soo dhaweeneysa Kooxda Valencia kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa League.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Macalinka Kooxda Arsenal ayaa xaqiijiyey in Ramsey waayihiisa Arsenal oo gabaabsi ku dhow in uu ku dhameesan doono dhaawac, dhica kale waxaa kooxda Arsenal ka dhaawacan ciyaartoyda kala ah  Denis Suarez, Robert Holding, Hector Bellerin iyo Danny Welbeck

Mesut Ozil ayaa lagu soo daray safka kulankan kaddib markii uu seegay kulankii kooxdiisa lagu quusiyey 3-0 ciyaar ay la qaateen Kooxda  Leicester halka Nacho Monreal uu kula biiray ciyaartoyda kooxdiisa isku diyaarinta kulankan lkn lama hubo in kulankan ciyaari karo.

Valencia ayaa weyn doonta adeega laacibkooda  Geoffrey Kondogbia kaas oo dhaawac uu soo gaaray dhamaadkii bishii hore, waana ciyaartoy muhiim u ahaa kooxda reer Spain.

Xidigii hore ee Arsenal haatana ka tirsan Valencia’ ee Coquelin ayaa kulankan waxa uu ku seegayaa ganaax, halka  Denis Cheryshev la xaqiijiyey in uu maqnaan doono inta ka harsan xili ciyaareedkan madaama uu soo gaaray dhaawac jilibka ah,sidoo kale dambeedka daafaca dhexe  Cristiano Piccini ayaa maqana kulankan.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  ( Europe league)

Goobta :  Emirates Stadium

Goorta : 10:00 Habeenimo

Garsoorka : Clement Turpin (France)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Arsenal ayaa soo gaartay heerkan labo sano oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo sanadihii 1993/94-1994/95 oo ay si xiriir ah u soo gaareen.

Kooxda Valencia’s ayaa dhankeeda ka soo muuqatay wareega Semi-finalka ee tartamada European markii ugu horeysay tan iyo xili ciyaareedkii 2013/14.

Arsenal ayaa shan jeer wajahday Kooxda  Valencia dhamaan tartamada waxa ayna badiyeen kaliya hal kulan ( 2 breejo iyo 2 qasaaro) kulanka guusha ay ka gaareen ayaa ahaa ciyaar ka tirsaneyd lugta koowaad ee wareega quarter-final ee tartanka Champions league sanadkii 2000/01.

Valencia ayaa badisay labo ka mid ah sedexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday Kooxda Arsenal, balse waxa xusid mudan in in ay guul la’aan yihiin labo kulan oo ay booqdeen Arsenal, kulan bareejo iyo mid qasaaro.

Arsenal ayaa shabaqeeda gool ka ilaashatay 9 kulan oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeeyey  ee (UEFA Europa League).

Eeg safaf Macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here