Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Tababare Xavi Hernandez

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka tababare Xavi Hernandez oo ay hadal-hayn ka taagan tahay, kaddib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli-ciyaareedka oo ay kaalinta afraad kaga jirto miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxa la sheegayey inuu cadaadis badan saaran yahay Xavi oo uu mustaqbalkiisu laalan yahay, waxaana su’aalaha la iska weydiinayo sii joogistiisa sii kordhisay natiijada ciyaartii Rayo Vallecano ee ay barbarraha 1-1 la galeen.

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay, in uu Xavi Hernandez sii joogayo kooxda oo ay wali ku qabaan kalsooni, una arkaan shaqsiga ugu habboon ee kooxda laylin karaya.

 

Laporta oo u warramay wargeyska AS ayaa yidhi: “Waxa aanu Xavi ku qabnaa kalsooni buuxda, waananu isku dhownahay. Waa tababahayaga, waaananu ku faraxsanahay in uu nala joogo.”

Waxa kale oo uu Laporta niyadda ugu dhisay jamaahiirta kooxdiisa, in soo laabashada Pedri iyo Frenkie de Jong ay ka caawin doonaan kooxda inay ka baxdo waqtiga adag, waxaanu yidhi: “Hadda uu Xavi helay Pedri iyo Frenkie. Markii ay iyagu ka maqnaayeen waxa jiray duruufo kale. Waan la hadlay isaga kaddib ciyaartii Vallecano, waanu dhiirran yahay. Waanu ognahay waxa aanu haysano, Xavi-na shaqo fiican ayuu hayaa.”