Barcelona oo heshiis afka ah la gaartay Neymar Jr

0
321

Baladweyne(Radio Beerlula)- kooxda Barcelona ay heshiis afka ah la gaartay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr si uu markale dib ugu soo laabto garoonka Cump Nou.

Neymar Jr Ayaa ogolaaday inuu dhimo mushaarkiisa si uu markale dib ugu soo laabto kooxda Barcelona.

Neymar Jr ayaa lagu soo waramayaa inuu qaadan doono mushaarkii ugu dambeeyay uu ka qaadan jiay kooxda Barcelona kaddib marka uu saxiixay heshiis cusub kaasoo gaarsiisnaa 24 milyan euro, halka uu haatan ka qaato PSG aduun dhan 37 milyan euro.

Neymar Jr ayaa ogolaaday inuu saxiixo qandaraas 5 sanno ah uu Barcelona kula joogayo ilaa iyo 2024, halka kooxda reer Catalonia ay isku dayi doonto inay heshiis la gaarto Paris St Germain, taasoo dalbaneysa 300 milyan oo euros si ay u fasaxdo Neymar Jr, sida laga soo xigtay wargeyska “Le Parisien” ee dalka France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here