Barcelona Oo Kansalaysa Heshiiska Dheemankii Ay Rajaynayeen Inuu U Beddelo Lionel Messi

0
121

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa diyaar u ah inay burburiso heshiiska ay kula jirto mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican oo uu tababare Xavi Hernandez go’aan ka gaadhay, kaddib guul-darradii ay Khamiistii kala soo kulmeen Manchester United.

Barcelona oo dhibaatooyin dhaqaale ragaadiyeen, ayaa culays lagu saarayaa inay dhintu mushaharka ciyaartoydeeda kaddib markii ay wareegga 32ka kaga hadheen Europa League, si ay uga badbaadaan in lagu rido ganaaxyo kaga yimaadda xidhiidhka Spain iyo UEFA oo dhinaca dheelitirka dhaqaalaha ah.

Sida uu qoray wargeyska Nacional ee kasoo baxa magaalada Barcelona, Joan Laporta iyo Xavi Hernandez ayaa waxay diyaar u yihiin inay burburiyaan heshiiska xiddiga da’da yar ee Ansu Fati oo kula jira heshiis waqti dheer ah oo soconaya illaa sannadka 2027.

20 jirkan oo sannadkii mushahar u qaata €12  milyan oo Euro ayay Barcelona ka cadhaysan tahay dhaawacyadiisa badan tan iyo markii uu dhaxlay lambarkii Lionel Messi ee No.10, waxaana shalay uu mar kale dhaawac k gaadhay jilibka oo dhawr jeer oo hore qalliin lagga sameeyey.

Xiddigan oo qiimihiisa lagu sheegay illaa €70 milyan oo Euro, waxay Barcelona isku dayi doontaa inay u hesho koox iibsata, haddii taasi ku adkaatana way iska fasixi doonaan iyaga oo meesha ka saaraya mushaharkiisa.