Barelona Oo Usoo Gudubtay Wareegga Siddeedda Champions League Iyo Murugada Ku Habsatay Napoli

0
124

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa iska xaadirisay wareegga siddeedda tartanka Champions League, kaddib markii ay 3-1 ku karbaashtay Napoli oo marti u ahayd, taas oo xilli-ciyaareedkoodu uu ku dhamaaday qaab murugo leh oo ay faro-madhan ka taagnaanayaan dhamaan tartamada.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Fermin Lopez, Joao Cancelo iyo Robert Lewandowski ayaa go’aamiyey guusha Barcelona ay ugu gudubtay wareegga siddeedda oo ay hadda isku-aadkiisa sugayso.

Daqiiqaddii 15aad ee ciyaarta ayaa kubbad uu kasoo shaqeeyey laacibka reer Brazil ee Raphinha waxa helay Fermin Lopez oo hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa, waxaana goolkani uu noqday aftax wanaagsan oo kooxda reer Spain siiyey niyad fiican oo ay ciyaarta ku maamusho.

Laba daqiiqadood kaddib ayaa ay Barcelona xaqiijisatay in aanay Napoli ka daba iman karaynin oo ay wareegga xiga usoo bixi doonto, markaas oo uu difaaca reer Portugal ee Joao Cancelo u dhaliyey gool labaad oo niyad-jab ku riday kooxda Talyaaniga.

Napoli ayaa ay niyaddu usoo noqotay daqiiqaddii 30aad, markaas oo gool madi ahaa oo aanay wax kale ku darin uu u saxeexay Amir Rrahmani.

Barcelona oo ahayd kooxda awoodda badan, ayaa waxa ay keentay gool saddexaad oo ay shakiga iskaga saareen dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana u saxeexay Robert Lewandowski oo goolka hortiisa uu hadiyad ugu dhiibay Sergio Roberto.

Raphinha iy Lamine Yamal ayaa uu nasiibku diiday oo birta garaacay, sidoo kalena Olivera oo Napoli ah ayaa waqti dambe ay birtu la dagaallantay markii uu kubbad ku ganay goolka.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay usoo gudubtay wareegga siddeedda Champions League iyadoo kusoo baxday natiijo ah 4-2 maadaama lugtii hore ee lagu ciyaaray Talyaaniga ay barbarro 1-1 ah kusoo kala baxeen Napoli.