Bayern Munich oo xaqiijisay inay duulaan ku tahay kooxda Manchester City

0
345
MUNICH, GERMANY - NOVEMBER 30: President Uli Hoeness delivers his speech during the FC Bayern Muenchen Annual General Assembly at Audi-Dome on November 30, 2018 in Munich, Germany. (Photo by Alexander Hassenstein/Bongarts/Getty Images)

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeneß ayaa xaqiijiyay inay duulaan ku tahay kooxda Manchester City, si ay kaga soo qaataan xiddiga reer Germany ee Leroy Sané, suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda.

23 jirkan ayaa wuxuu bandhig fiican ka sameeyay tan iyo markii uu yimid kooxda reer England ee Manchester City saddex sano kahor.

Laakiin macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa xili ciyaareedkan kulamada ugu badan wuxuu ka door biday inuu xusho xiddigaha Bernardo Silva, Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez.

Kooxda Bavarian-ka ayaa la filayaa inay gasho suuqa kala iibsiga si ay u xoojiyaan safkooda, gaar ahaan boosaska ay ka baxayaan xiddigaha Franck Ribéry iyo Arjen Robben dhamaadka xili ciyaareedkan.

Hadaba Leroy Sané ayaa hogaamiya liiska xiddigaha ay bar-tilmaameedka ka dhiganeyso kooxda Bayern Munich, waxaana sidaas xaqiijiyay Madaxweynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeneß wuxuun yiri:

“Haa Leroy Sané wuxuu fiida sare kaga jiraa, xiddigaha bar-tilmaameedka inoo ah, waxaana ka fiirsan doonaa suurtagalnimada aan kula saxiixan karno”.

Hadalka madaxweyne Uli Hoeneß ayaa yimid kaliya hal maalin kaddib markii uu Robert Lewandowski soo dhaweeyay fikirka uu Leroy Sané ku imaan karo garoonka Allianz Arena, isagoo tilmaamay in hadii ay sidaas dhacdo uu si aad ah u horumarin doono tayada kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here