Boolis howlgal ku raadinayay tuug oo ay ku dhacday arrin layaab leh

0
339

Baladweyne(Radio Beerlula)- Mid ka mid ah dadka degan  gobolka Texas ee dalka Mareykanka aaya ciidamada ammaanka ku wargeliyay inuu tuug u soo dhacay islamarkana uu baahan yahay in la caawiyo.

Askar ka tirsan booliska oo si buuxda u qalabeysan ayaa weerar ku qaaday gurigaas, iyagoo markaas damacsanaa inay gacanta kusoo dhigaan tuugga hubeysan ee lagu soo wargaliyay.

Laakiin arrintii ayaa isu baddashay mid layaab leh ka dib markii ay ciidankii heleen wax kale oo gabi ahaanba ka duwan tuug ama burcad.

Dhowr askari oo ku qalabeysan hub casri ah, kaamirooyin iyo tooshash ayaa galay gudaha guriga iyagoo doonayay inay ka hortagan waxyeelo u geysto tuuga ninka  degan guriga basle  toosha ay wateen ciidamada ayaa qabtay  deero ordeysa oo albaab dambe kasii baxeysa, taasoo layaab ku noqotay ciidamada iyo ninkii degan guriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here