Booliska Mareykanka oo si xoog ah u lagdaya nin madow ah ka hor inta uusan dhiman.

0
218

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dacwad oogayaasha ku sugan gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa baahiyay muuqaal muujinaya daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha nin madow ah oo bukaan ah oo ku dhintay isbitaal lagu daweeyo dadka qaba xanuunada dhimirka.

Waxaa la arkayay Irvo Otieno oo ay dhulka dhigeen koox boolis ah xilli uu katiinadeysnaa.

Waxaa la xiray saraakiil ka tirsan booliska iyo saddex kamid ah shaqaalaha caafimaadka oo lagu eedeeyay dilka ninka madowga ah.

Garsooraha wuxuu Talaadadii sheegay in 10 qof lagu eedeeyay kiiska.

Irvo Otieno, wuxuu kasoo jeedaa Kenya, wuxuu Mareykanka tagay isagoo afar jir ah.

Waxaana markii la xiray 3-da bishan March isagoo lagu eedeeyay falal dhac ah, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saareen booliska.