Boqorka Sacuudiga oo ku baaqay labo shirwayne oo deg deg ah.

0
281

Baladweyne(Radio Beerlula)- Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May.

Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.

Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maraakiib iyo diyaarado dagaal kusoo daad gureeyey khaliijka sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay “khatar” uga imaanaysa Iran.

Wakaaladda wararka ee Sacuudiga oo soo xiganaysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in baaqaasi uu ku saabsan yahay “dadaal ku aaddan wadatashi iyo iskaashi dhexmara dawladaha walaalaha ah ee ku wada jira Golaha Khaliijka Carabta iyo Ururka Jaamacadda Carabta, arrintaas oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo ammaanka iyo degganaanshaha gobolka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here