Bruno Fernandes Oo Magacaabay Tababaraha Ugu Wanaagsan Dunida

0
82
MANCHESTER, ENGLAND - FEBRUARY 01: Bruno Fernandes of Manchester United in action during the Premier League match between Manchester United and Wolverhampton Wanderers at Old Trafford on February 01, 2020 in Manchester, United Kingdom. (Photo by Alex Livesey/Getty Images)

Baladweyne(Radio Beerlula)-IKabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa magacaabay tababaraha ugu wanaagsan adduunyada waqtigan, waxaana uu ka booday oo uu indhaha ka laliyey Erik ten Hag oo ah tababaraha kooxdiisa iyo xataa Jurgen Klopp.

 

Bruno Fernandes ayaa kasoo hoos ciyaaray tababareyaal badan, laakiin aanu nasiib u yeelanin inuu gacantooda galo Jose Mourinho oo ka tegay Man United ka hor intii aanu isagu imanin, Carlo Ancelotti oo ah khabiirka waqtigan ee kubadda cagta, Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp, inkasta oo dhamaantood ay iska hor yimaaddeen kooxo ay tababareyaal u yihiin.

 

Waraysi uu siiyey wargeyska A Bola ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa waxa Bruno Fernandes lagu weydiiyey tababaraha waqtigan ugu wanaagsan kubadda cagta, waxaana uu markiiba lasoo booday tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola.

 

Fermamdes pp la ka jawaabayey su’aashan ayaa yidhi: “Waxa aynu ka hadlaynaa tababaraha ugu wanaagsan adduunyada, iyadoo aanu shaki ku jirin, waa Pep Guardiola. Sannadihii ugu dambeeyeyba isaga ayaa ahaa tababaraha ugu wanaagsan kubadda cagta.

 

“Pep waa tababaraha isbeddelka ugu weyn ku sameeyey kubadda cagta. Muddooyinkan dambe, qof walba waxa uu doonayaa Guardiola, mana aha in la qariyo.

 

“Dhamaan kooxaha, kuwa heerka koowaad iyo heerka labaadba, waxay isku dayayaan inay u ciyaaraan sida City oo kale, qof walbaana waxa uu isku dayayaa in uu kubadda u beddelo sida City oo kale, sababtuna waa natiijooyinka iyo guulaha.”