Buunadada deegaanka Ceel Gaal oo muhiim ah isku socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra qeybo ka mid ah dalka oo la dhagax dhigay

0
386

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka dekeddaha  iyo gaadiidka Bada dowlad goboleedka Hirshabelle iyo  gudoomiyaha dagmada Baladweyne ayaa maanta si rasmi udhagax dhigay buundada Ceel gaal oo muhiim u ah isku socdka dadka iyo gaadiidka u kala safra gobollada koofureed iyo Waqooyi ee dalka.

Gudoomiyaha dagmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahin Foodcade ayaa sheegay in dhamaan cid kasta oo wax heysata looga baahan yahay inay ka qeyb qaatan dhismaha buunnada oo muhiim ah isku socodka gobollada koonfureed iyo waqooyiga dalka.

Wasiirka Dekeddaha  iyo gaadidka Bada maamulka Hirshabele Faarax Maxamed Cismaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dhameystirka buudada islamarkana aysan ka tagi doonin deegaanka inta ay furmeyso isku socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra gobollada dalka.

Gaadiid kala yimid koonfurta iyo waqooyiga dalka ayaa ku kala xayiran labada dhinac ee buunada muddo ku dhow saddex maalmood kadib markii buunnadan ay sameyn u geysteen daadad ka dhashay roobab ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here