Carlo Ancelotti Oo Daboolka Ka Qaaday Sida Ay Real Madrid Ugu Guuleysan Karayso Champions League Kaddib Isku-aadkii Wareegga 8da

0
110

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa tilmaamay waxa looga baahan yahay kooxdiisa si ay ugu guuleysato tartanka Champions League, inkasta oo wareegga siddeedda ay isku dhaceen Manchester City.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu sheegay, in qorshaha Real Madrid aanu ahayn inay isku dayaan inay ka aargoostaan Man City, sababtoo ah labadii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay kulmeen oo uu midba mar badiyey, isla markaana midba mar ku guuleysatay koobka Champions League.

 

Ancelotti oo la hadlay warbaahinta kaddib markii la sameeyey isku aadka ayaa Man City ku tilmaamay kooxda ugu wanaagsan adduunyada, waxaase uu ku adkaystay in ciyaartoyda kooxdiisuna ay ku jiraan marxalad fiican oo ay isku dayi doonaan in ay u ciyaaraan si ka duwan sidii sannadkii hore ee ay City ka adkaatay.

 

“Manchester City waa kooxda ugu wanaagsan Yurub waqtigan. Qof walba iyaga ayay u arkaan inay tahay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysanaysa Champions League.” Ayuu yidhi Carlo Ancelotti.

 

Waxa uu intaa ku daray: “Sannadkii hore waxa ay ku guuleysteen koobka, waxay noqon doontaa ciyaar adag, laakiin waxa aannu anaguna kalsooni ku qabnaa in aanu sidooda oo kale samayn karayno. Ma jiro cid ay calooshu xanuunaysaa.”

 

Mar la weydiiyey in ay kooxdiisu walaacsan tahay, waxa uu ku jawaabay: “Wareegga siddeeddu mar walba wuu adag yahay, annaga iyo iyagaba wuu ku adag yahay. Marka aad bilowdo Champions League, fikraddu waa in aad ku guuleysato Koobka. Haddii aad doonayso in aad guuleysato, waxa waajib ah in aad garaacdo kuwa ugu wanaagsan (Man City). Markaa waxa aanu qabnaa in kalsooni buuxda in aanu guuleysanayno illaa daqiiqadda ugu dambaysa.”

 

Waxa kale oo Real Madrid dib ugu soo noqon doona Thibaut Courtois iyo Eder Militao oo diyaar u noqon doona ka hor inta aan la gaadhin kulamada wareegga siddeedda, waxaana Ancelotti oo hadlaya uu yidhi: “Courtois iyo Militao waxay bilaabeen inay ciyaartoyda kale tababarka la qaataan usbuucan. Waxa aanu ka faa’iidaysan doonaa laba ciyaarood oo saaxiibtinimo oo aanu la dheeli doono kooxda da’yarta. Markaa, waxa aanu rajaynaynaa inay awoodi doonaan inay soo laabtaan March 31.”