Caruurta agoonta ee wax ka barata qaar ka mid ah iskuullada Baladweyne oo la guddoonsiiyay agab waxbarasho

0
654

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte ayaa agab waxbarasho oo iskugu jira buugaag, qalimaan iyo boorsooyin u qeybisay ardeyda danyarta ee wax ka barta iskuullada Sigma, ileys, somali international, iyo  Universal.

Cabdifatax­­­­­­­­­­ Maxamed Cismaan oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga iskuulka sigma  ayaa sheegay in ardeyda danyarta ay baahi weyn u qabeen agabkan waxbarasho ee la guddoonsiiyay.

Qar ka mid ah ardeyda la guddoonsiyay ayaa u mahad celiyay ururka haweenka gobolka Hiiraan.

Farxaan Cumar Carte ayaa maamulka iyo hay’addaha samafalka ugu baaqday inay garab istagan caruurtan danyarta si ay wax u bartan.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here