Caruurta ku jirta xarunta agoonta Ugaas Khalif ee Baladweyne oo deeq biyo ah la gaarsiiyay

0
354

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xarunta agoonta ugaas khaalif oo ku taalla xaafadda buundo weyn ee magaalada Baladweyne islamarkana ay ku jiran 112 caruur ah oo agoon ah  kuwaa oo  iskugu jiro gabdho iyo wiilal ayaa waxaa deeq biyo nadiif ah gaarsiiyay ururka midnimada gobolka Hiiraan.

Deeqdan ayaa aheyd hal booyad oo biyo nadiif ah taasoo loogu talo galay inay isticmaalan caruurta agoonta ee ku jirta xarunta.

Guddoomiyaha ururka midnimada gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi iyo qaar ka mid ah xubnaha ururka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga caruurta ku jira xarunta agoonta ugaas khalif.

Maamulaha xarunta agoonta ugaas Khalif ee magaalada Baladweyne Aadan Shariif Aamin ayaa u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geystay deeqdan biyaha ee la soo gaarsiiyay xarunta.

Biyaha webiga shabeelle oo inta badan ku tiirsanayeen shacabka magaalad Baladweyne  ayaa waxaa xiligan isbedelan midabka iyo dhadhanka kadib markii uu biyo yareeyay webiga.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here