Chelsea Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaadhay Newcastle United

0
63

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul 3-2 ah ka gaadhay Newcastle United kulan uu dib quluubta jamaahiirta Blues u qabsaday Mykhailo Mudryk oo magaciisa ku qoray goolka guusha go’aamiyey ee ciyaarta gaadhsiiyey meel aanay Magpies kasoo laaban karaynin.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Nicolas Jackson, Cole Palmer iyo Mykhailo Mudryk ayaa Chelsea siiyey saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay ugu soo dhowaatay kaalinta tobnaad oo hadda hal dhibic kaliya u jirta.

Nicolas Jackson ayaa noqday aftax wanaagsan oo daqiiqaddii lixaad hoggaanka u dhiibay Chelsea, kaddib markii uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Cole Palmer oo indho furnaan difaaca Newcastle ku khiyaamaynayey.

Kooxda martida ahayd ee Newcastle ayaa keentay goolka barbarraha oo aad u qurux badnaa, kaas oo uu xiddiga reer Sweden ee Alexander Isak uu kubadda ka toogtay bannaanka xerada ganaaxa, isaga oo marka hore badhtamaha garoonka uu kubadda ugu soo tuuray Bruno Guimaraes oo ahaa geesi garab waayey oo khadka dhexe ku ciillanaa.

Labada kooxood ayaa waxa ay ku kala nasteen barbarro min hal gool ah, hase yeeshee markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa Chelsea oo ay ciyaartoydeedu dardaaran kasoo heleen Mauricio Pochettino waxa ay cadaadis saareen goolka Newcastle United, iyagoo si adag ay khadka dhexe uga shaqaynayeen Enzo Fernandez, Moises Caicedo iy Conor Gallagher oo muquuniyey xiddigaha uu Eddie Howe lasoo shir-tegay.

Daqiiqaddii 57aad ayay Chelsea dib usoo ceshatay hoggaanka ciyaarta markaas oo uu gool labaad u dhaliyey Cole Palmer oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Enzo Fernandez.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa beddelay Raheem Sterling oo ay ciyaartu ka jiiftay isla markaana kaadh qaatay qaybtii hore, waxaana uu keenay laacibka lasii illoobayo ee Mykhailo Mudryk oo waqti kooban dib iskugu soo xasuusiyey jamaahiirta Chelsea.

Kubbad uu Conor Gallagher ka helay laynka xerada ganaaxa oo uu kasoo shaqeeyey Nicolas Jackson oo garabka bidix ka keenay, ayaa waxa uu Mykhailo Mudryk kala dhax-baxay laba difaac, kaddibna dhinaca midig ayuu ugu gooyey goolhaye Dubravka ka hor intii aanu shabaqa ku leexinin, iyadoo ciyaartuna noqotay 3-1.

Newcastle United ayaa keentay gool labaad oo daqiiqaddii 90aad uu u saxeexay Jacob Murphy, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Chelsea.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay hadda haysato 39 dhibcood oo ay ku jirto kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League, waxaanay hal dhibic ka hoosaysaa Newcastle oo fadhida kaalinta 10aad oo 40 dhibcood leh.