Cisbitaalka al-Shifa ee Qaza oo burburay ka dib laba toddobaad oo ay Israa’iil weerartay

0
27

Baladweyne ( Radio Beerlula )–Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay isaga baxeen cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ka dib weerar laba toddobaad qaatay oo ka dhacayay inta badan xaruntii caafimaad ee ugu weynayd.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen oo xireen boqolaal “argagixiso” ayna hub iyo sirdoon ka heleen “cisbitaalka oo dhan”.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay inay ka tageen tobonaan mayd ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in deegaanada ku dhow dhow Cusbitaalka ay dhulka la simeen.