Dad badan oo ku nool Baladweyne oo fursado ganacsi ka helay diyaar garowga ciida.

0
564

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro badan oo markii hore heysan fursado shaqo iyo ganacsatada
magaalada Baladweyne qaarkood ayaa xiligan fursad u helay inay iibiyaan
qalabka caruurta ay isticmalan maalmaha ciida.

Qalabkan oo inta badan la iibsado ka hor maalmaha ciida ayaa hadda
ganacsatada ay suuq u helen maadaam maalmo kooban ay naga xigto ciidul
fidriga.

Qaar ka mid ah dhalinyarada hadda fursada ganacsi ka helay iibinta qalabkan
iyo ganacsatada markii hore iibin jiray qalabkan islamarkana ku iibiya
inta u dhaxeysa aaargada iyo buunnada weyn ee Baladweyne ayaa Radio
Beerlula uga waramay qiimaha ay iibiyaan iyo sida looga iibsado.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here