Garsoorka gobolka Hiiraan oo la kala diray

0
407
Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto  u soo saaray  ku kala diray  xubnihii garsoorka gobolka Hiiraan.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in markii madaxweynaha uu  arkay baarida loo  qabo  dib u yagleelida  hay’adaha garsoorka iyo dib u habeyntooda, marku  arkay go’aanka guddiga  cadaaladda  baarlamanka dowlad goboleedka  Hirshabeelle, marku  arkay talo  soo jeedinta wasaaradda  cadaaladda iyo garsoorka Hirshabeelle, wuxuu kala diray xubnihii garsoorka gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray  wasaaradda garsoorka inay dib u soo dhisto  garsoorka  gobolka Hiiraan iyadoo  loo  marayo  habraacyada sharciga waafaqsan.
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here