Dad ku dhintay dufaan ku dhufatay koonfurta Mareykanka.

0
460

Baladweyne(Radio Beerlula)-Ugu yaraan siddeed ruux ayaa dhimatay kuwo kale oo badanna way dhaawacmeen ka dib markii ay dabayl xoog badan iyo roobab mahiigaanno ah ku dhufteen dhawr gobol oo koonfurta Maraykanka ku yaalla.

Gobolka Texas labo carruur ah ayaa dhintay ka dib markii uu geed ku soo dhacay gaarigii ay saarnaayeen, waalidka oo qaybta hore ee gaariga saarnaa ayaysan waxba soo gaarin.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaan la soo badbaadinin saacado, ka dib markii ay wadooyinkii go’een, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 11 duufaan ay ku dhufteen saddex gobolk ka hor inta aysan u jihaysan Xeebaha Bari.

Digniinta duufaanta ayaa Isniintii lagaga dhawaaqay Ohio, South Carolina iyo Virginia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here