Dadka qashinka ku shuba webiga shabeelle oo amar lagu soo rogay

0
283

Baladweyne(Radio Beerlula)- Duqa magaalada Baladweyne Khadar Xassan Afrax oo ka qeyb galay olole nadaafadeed oo qashinka looga bixinayay qeybta hoose ee buunnada liqliqato ee webiga shabeelle ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono cidii lagu arko iyadoo qashin ku shubeysa webiga shabeelle.

Khadar Xassan Afrax ayaa ciidamada booliska Baladweyne ka dalbaday inay talaabo ka qaadan dadka qashinka ku shuba webiga shabeelle ee dhaxmarta magaalada Baladweyne.

Sidoo kale duqa magaalada Baladweyne ayaa tilmaamay in ganax la dul dhigi doono cidii qashin ku shubta webiga.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here