DEG-DEG: Kylian Mbappe Oo Macasalaameeyey PSG

0
98

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa macasalaameeyey kooxdiisa Paris Saint-Germain, waxaana uu soo afjarayaa muddo lix sannadood ah oo uu hoggaaminayey afka hore ee weerarka koxodaas.

Mbappe oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa ku biiray PSG sannadkii 2017kii oo ay kala soo wareegeen AS Monaco, waxaana uu goordhoweyd u sheegay maamulka kooxdaas in uu si xor ah uga tegayo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.

Heshiis is-faham ahaa oo ay ku wada jireen madaxweynaha kooxdaas Nasser Al-Khelaifi ayaa dhigayay in uu laacibkani isaga ku wargeliyo go’aanka waqtiga uu ka tegayo kooxda oo ugu dambayntii uu maanta u xaqiijiyey.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa shaaciyey, in hadda uu Kylian Mbappe u sheegay kooxdiisa in uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan socda oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, waxaana si weyn loola xidhiidhinayaa Real Madrid oo la rumaysan yahay inuu mar horeba heshiis hordhac ah usii saxeexay.

Warka uu baahiyey wariye Fabrizio Romano, waxa la hubiyey wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha, Le Equipe oo Faransiiska kasoo baxa iyo inta badan warbaahinta waaweyn ee ciyaaraha oo mid walba uu dhinaciisa u helay xogta go’aanka laacibkan.

Ka sokow Real Madrid oo ah kooxda ugu dhow, waxa kale oo la hadal hayaa kooxo uu hunguri kaga jiro oo ay ka mid yihiin Liverpool, Arsenal, Bayern Munich, Manchester City iyo naadiyo kale, laakiin duruufaha dhaqaale ee haysta naadiyadan intooda badan ayaa u diidi doonta inay la saxeexdaan maadaama ay ku badan tahay inay bixiyaan mushaharka xad-dhaafka ah ee laacibkani uu doonayo.

Lionel Messi oo uu bixitaankiisu imanayo sannad kaddib markii ay PSG ka tageen Lionel Messi iyo Neymar, isla markaana ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdaas, taas oo kooxdan oo mar ay xiddigo waaweyn ku urursanaayeen ka dhigaysa naadi aanay xiddigo muuqdaa ku jirin.

Real Madrid ayaa la sheegay in ay mushahar u siin doonto Mbappe lacag dhan €35 milyan oo Euro, waxaana uu ka tanaasuli doonaa kala-badh iyo ka badan lacagtii uu ka qaadan jiray PSG.

Si kastaba ha ahaatee, Kylian Mbappe ayaa u saftay PSG 293 ciyaarood oo uu u dhaliyey 240 gool, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda PSG.