Baladweyne ( Radio Beerlula )-
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayay soo gaadhay jug weyn oo dhaawacaysa qorshihii ciyaareed ee tababare Erik ten Hag ee sababay inay kooxdu sare usoo kacdo oo ay soo cidhiidhsato kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, kaddib markii uu dhaawac culus soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriken.
Manchester United ayaa soo saartay warbixinta baadhitaannada lagu sameeyey dhaawaca Eriksen oo muddo dhawr bilood ah garoomada ka maqnaan doona, kaddib taakal uu ku qabtay Andy Carrol ciyaartii FA Cup ee Sabtidii ay 3-1 ku garaaceen Reading.
Eriksen ayaa la arkayay isaga oo biro ku boodaya dhamaadkii ciyaarta, waxaana Axaddii iyo Isniintii ay Manchester United mashquul ku ahayd baadhitaannada laacibkan iyo sidii ay u ogaan lahaayeen muddada uu garoomada ka maqnaanayo.
War-saxaafadeed ay Manchester United soo saartay ayaa lagu sheegay, in Christian Eriksen uu dhaawac culus kasoo gaadhay Kuraanta, isla markaana garoomada ka maqnaan doono illaa dhamaadka bisha April ama horraanta May, taas oo ka dhigan in uu jiifi doono muddo saddex bilood ah.
War-saxaafadeedka Manchester United ayaa lagu yidhi: “Christian Eriksen waxa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo dheer sababtoo ah dhaawac kasoo gaadhay kuraanta kulankii guusha ee Emirates FA Cup ee Reading ee Sabtidii.
“Inkasta oo uu socdo baadhitaanku, haddana waxay qiimaynta hordhaca ahi muujinaysaa in Eriksen laga yaabo inuu maqnaado illaa dhamaadka April ama horraanta May.
“Maqnaanshaha 30 jirkani niyad-jab weyn ayuu ku yahay tababare Erik ten Hag iyo taageereyaasha ee uu siinayay bandhiga joogtada ah xilli ciyaareedkan oo illaa hadda uu saftay 31 kulan tan iyo markii uu yimid Old Trafford.
“Si kastaba, waxa jirta rajo ah in Christian uu soo laaban karo oo uu ciyaari karo qaybaha ugu dambeeya xilli ciyaareedka.
“Nasiib wanaagsan iyo soo kabasho degdeg ah ayaan u rajaynaynaa Christian.”