DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Liverpool

0
103

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la kulantay jug kale, waxaana ay waayi doonaan ciyaartoy muhiim ah oo muruqa uu dhaawac kasoo gaadhay ka hor ciyaarta adag ee Sabtida ay martida u noqon doonaan Brentford.

Liverpool ayaa safar ku tegi doonta garoonka Grech Community Stadium waqti hore oo Sabtida ah, waxaanay halkaas gaadhi doonaan iyadoo aanu la soconin goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker oo uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah isaga oo tababarka la qaadanaya ciyaartoyda kooxdiisa.

Jurgen Klopp ayaa shirkiisii jaraa’id ee Jimcaha aan ku sheegin dhaawaca Alisson Becker, waxaana uu tartan la geli doonaa waqtiga si uu taam ugu noqdo kulanka Luton Town ee Arbacada iyo finalka Carabao Cup ee Chelsea ee Axadda usbuuca dambe ee garoonka Wembley.

Alisson ayaa hore uga maqnaa ciyaartii Burnley ay 3-1 kaga adkaadeen usbuucii hore, waxaana la sheegay in uu xanuunsanayey halka Joe Gomez uu ku dhacay duray oo uu isagun;a ka maqnaa, laakiin waxa uga horreeyey oo uu Alisson ka maqnaa ciyaarihii Fulham iyo Sheffield United oo uu dhaawacnaa bilowgii xilli-ciyaareedka.

Goolhayaha reer Ireland ee Gaomhim Kelleher ayaa kusoo bilaaban doona ciyaartiisii labaad oo xidhiidh ah, waxaana suurtogal ah in uu sidoo kale helo fursad uu mar kale isku muujiyo finalka Carabao Cup ee Chelsea, taas oo finalkii 2022 uu wacdaro ka dhigay, isla markaana rikoodheyaashii ay ku kala baxeen uu koobka ugu go’aamiyey kooxdiisa.

Inkasta oo dhaawaca Alisson uu ka nixiyey Liverpool, haddana waxa farxad u ah inay dib ugu soo laabteen Mohamed Salah oo muddo dhaawac ku maqnaa iyo Ibrahima Konate oo kasoo laabtay ganaax, balse waxa muddo sii maqnaan doona Trent Alexander-Arnold, Dominik Szoboszlai iyo Thiago Alcantara.

Liverpool ayaa doonaysa inay Brentford ka gaadho guusheedii koowaad ee Premier League tan iyo intii ay kooxdani kasoo dallacday horyaalka heerka labaad ee Championship. Ciyaartoodii koowaad ee 2021/22, waxa ay ku kala baxeen barbarro 3-3 ah, halka xilli-ciyaareedkii horena ay Brentford ku garaacday Liverpool 3-1, taas oo ka dhigan in Liverpool aanay wali ku badinin garoonka Grech Community Stadium.