DHAGEYSO: Wasaaradda ganacsiga oo magacowday guddi ka shaqeeyn doona xoojinta iyo suuq geynta dalaga

0
428

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayar Mareeye ayaa magaalada Muqdisho kula kula qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo kulanka diirada lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa xaqiijinta tayada badeecadaha soo gala dalka iyo kuwa laga dhoofinayo dalka.

Kulanka inta uu socday ayaa la isku afgartay in la sameeyo guddi ka kooban ganacsatada iyo wasaaradda ganacsiga Somaliya, waxana warbaahinta u akhriyay magacyada guddiga Axmed Sheekh Cabdulahi Warsame madaxa qeybta ganacsiga, wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Mareeye ayaa guddiga kula dardaarmay inay ka soo dhalaan howsha loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here