Dhalinyarada iyo waxgaradka Baladweyne oo dalbaday in loo istaago dhismaha garoonka diyaaradaha Ugaas khalif.

0
363

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxgaradka iyo dhalinyarada magaalada Baladweyne ayaa ku baaqay in loo istaago sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka diyaaradaha Ugaas khalif islamarkana looga hortagi lahaa hakada ku yimada howlaha garoonka xili roobaadka iyadoo haddda lagu guda jiro xili roobaakii guga.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo dhalinyarada magaalada Baladweyne oo la hadlay Radio Beerlula  ayaa ka codsaday maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan, maamulka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya inay door ka qaatan dib u dhiska garoonka diyaaradaha Baladweyne oo laga cabsi qabo in hakad uu ku yimado howlaha garoonka maadaam lagu guda jiro xili roobaadkii guga.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim Food Cadde ayaa sheegay in maamulkooda oo kashanaya bulshada ay ku dadaali doonaan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here