Dhaqaatiir ku taqasuusay cilmiga xanaanada xoolaha iyo daryeelka deegaanka oo Baladweyne ka bilabay lagu daweynayo xoolaha.

0
363

Baladweyne(Radio Beerlula)- Koox dhaqaatiir ah oo  ku taqasuusay cilmiga  xanaanada xoolaha iyo daryeelka deegaanka ayaa baladweyne ka bilaabay olole ay ku daaweynayaan xoolaha xanuunsan ee ay dadku dhaqdaan.

Sidoo kale dhaqaatiirtan ayaa  wacyigilin caafimaad siiya dadka xoolaha  ku dhaqda magaalada.

Dhaqaatiirta ah oo xaruntoodu tahay xaafada xaawa taako ayaa dadka ay xoolaha ka xanuunsanyihiin ku booqda xaafadahooda kadib marka ay dadku lasoo xariiraan,  sida uu radio beerlula uga waramay xasan wali cumar oo ka mida dhaqaatiirta xanaanada xoolaha baladweyne.

Dr Xasan wali Cumar ayaa bulshada Baladweyne ugu baaqay in ay ilaaliyaan nadaafada deegaanka taasoo saameyn caafimaad darro ku keeni karta xoolaha deegaanka waxana uu dadka bacaha raashiinka leh kutoora wadooyinka ka codsaday in ay arintaasi iska dayaan maadaama bacda ay qatar ku tahay nolosha xoolaha la dhaqdo sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here