Dhismaha golaha deegaanka Baladweyne oo la daah furay

0
323

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo aheyd mid lagu daah furayay dhismaha golaha deegaanka magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle, agaasimaha dowladdaha hoose ee wasaaaradda arrimaha guddah Soomaaliya, maamulka heer gobol iyo degmo iyo qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

 Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Hiiraan Farxaan Cumar Carte  iyo Xubno kale oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay dhismaha golaha deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne Maxamed Axmed Food Cadde , Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan Cabdixakiin Muxumed Taakoy, iyo  guddoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo siyaasadda Maslax Maxamed Cismaan ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ka hor loo baahan yahay in dib u heshisiin loo sameeyo bulshada.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Hirshabeelle  Axmed Bariise Xaydar ayaa sheegay in dhismaha golaha deegaanka ay faa’ido badan ugu jirto bulshada.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here