Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan

0
62

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan, kaasi oo burburiyey tobaneeyo dhisme, islamarkaana horseeday in lasoo saaro diginin tsunami oo la gaarsiiyey Japan iyo Philippines kahor inta aan la qaadin.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhulgariirka uu ahaa kii ugu xoogganaa ee gilgila jasiiradan muddo tobanaan sano ah, waxayna ka digeen dhul gariiro kale oo dhici kara maalmaha soo socda.

“Dhulgariirku wuxuu ku dhowaa dhulka, wuuna qoto dheeraa, waxaa laga dareemay Taiwan oo dhan iyo jasiiradaha badda,” ayuu yiri Wu Chien-fu, oo ah maamulaha Xarunta Dhexe ee Dhulgariirada iyo Maamulka Cimilada ee Taipei.

Wu waxa uu sheegay in dhulgariirku uu ahaa kii ugu xooganaa tan iyo markii uu dhacay dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 bishii September 1999, kaas oo dilay ku dhawaad 2,400 oo qof, taasi oo aheyd masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu dhimashada badnayd taariikhda jasiiradda.

Dhulgariirkii Arbacada oo cabirkiisu ahaa 7.4 ayaa dhacay wax yar ka hor 8:00 subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah, iyada oo Hay’adda Sahanka Dhulka ee Maraykanka (USGS) ay sheegtay in xuduntiisa 18 kiiloomitir oo ah koonfurta magaalada Hualien ee koonfurta Taiwan.

Saddex qof oo ka mid ah koox toddoba ah oo subaxnimadii hore ku marayey buuraha ku hareeraysan magaalada ayaa ku dhintay dhagaxyo ka dhashay dhul-gariirka, sida ay saraakiishu sheegeen. Lixda qof ee kale ayaa badankood ahaa darawalo baabuurta caadiga ah iyo kuwa xamuulka.