Dhuun shidaal oo ku taalla Nigeria oo la gubay

0
317

Baladweyne(Radio Beerlula)- Masuuliyiinta dawladda Nigeria ayaa sheegay in si ula kac ah dab loo qabadsiiyay dhuunta shidaalka ee marta gobolka ganacsiga ee Lagos.

Waxaa la arkay holac ballaaran oo cirka isku shareeray saacadihii hore ee Khamiista, taas oo argagax ku keentay dadkii ku noolaa gobolka Ijegun ee dalkaas.

Muuqaallo baraha bulshda la soo dhigay ayaa muujiyay dab wayn oo kacaya iyo dadkii deegaanka oo qaxaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here