Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ciida oo ka socda Baladweyne.

0
456

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda diyaar
garowga ciidul fidriga iyadoo goobaha lagu iibiyo dharka, xalwada iyo buska
laga dareemayo mashquul xoogan.

Ganacsatada iibisa dharka, xalwada iyo buskudka ayaa Radio Beerlula uga
waramay sida ay ugu diyaar garoobeen ciida iyo sida wax looga iibsanayo.

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Baladweyne oo la hadlay radio Beerlula
ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen ciidul fidriga islamarkana ay
iibsadeen wax kasto oo maalintaas ay u baahnayeen.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here