Doorashadii ugu horraysay oo Dimuquraaddi ah oo ka dhacaysa Mauritania

0
315

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dadweynaha reer Mauritania ayaa maanta u dareeraya doorasho laga yaabo in ay noqoto tii ugu horraysay ee si dimuquraaddi ah xukunka loola kala wareego tan markii dalkaas Galbeedka Afrika kuyaal uu madaxbanaanida qaatay.

Madaxweyne Mohamed Ould Abdel Aziza ayaa xukunka Afgambi u qabsaday sannadkii 2008-dii, balse waxa uu haatan oggolaaday in uu iscasilo.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa sharci u haysta in ay codeeyaan doorashada dhacaysa maalinta Sabtida ah.

Saddex murashax ayaana ku tartamaya dooorashada madaxtinimada.

Ninka ugu cad cad ee Mohamed Ahmed Ould Ghazouani, oo ah wasiirka difaaca dalkaas ayaa ah murashaxa ugu dhow madaxweynaha haatan xilka haya, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC-da ee Galbeedka Afrika Louise Dewast.

Musharaxiinta mucaaradka ah ayaa haatan ka qayb galaya doorashadaan oo ay u arkaan tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, kaddib markii ay qaaddaceen dhowr doorasho oo hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here