Dowladda koonfurta Suudaan oo wada qorshe dib loogu soo celinayo 2 malyan oo qaxooti ah oo u dhashay dalkaasi.

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay wado qorshe dib loogu soo celinayo in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo u dhashay dalkaasi oo ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah koonfurta Sudan.

Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, sidii ay dib ugu soo laaban lahayeen dalkooda oo ay ugu horeyso ammaanka.

Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo u dhashay dalkaasi oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar.

Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigan ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa.