Dowladda Tunisiya oo mamnuucday indha shareerka.

0
334

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ra’iisal Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed ayaa xafiisyada dawladda ka mamnuucday xirashada niqaabka kaas oo daboola wajiga oo idil marka laga reebo indhaha, sababo dhanka ammaanka ah.

Amarkan ayaa soo baxay kaddib markii toddobaad gudihiis ay saddex weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mamnuucista ka dhigto mid ku meel gaar ah.

Indho shareerka ayaa waxaa xirta qaar ka mid ah haweenka muslimiinta ah oo u arko in uu yahay dhar xishoodka ka tarjumaya iyo in uu yahay calaamad diineed.

Hoggaamiyihii mudda dheer xukumayey dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa niqaabka iyo xijaabka ka mamnuucay dhismeyaasha dawladda, balse waxay dib ugu soo laabteen markii xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here