Warshado soo saara adeegyo markii hore loo doonan jiray Muqdisho oo laga hirgeliyay Baladweyne

0
353

Baladweyne(Radio Beerlula)- Inkastoo ay jiran duruufo badan oo ku xeeran bulshada magaalada Baladweyne haddan waxaa magaalada ka socda horumar kala duwan oo ay ka mid tahay in magaalada laga hirgeliyay warshado soo saara adeegyo badan oo markii hore loo doonan jiray magaalada Muqdisho.

Warshada rihaan oo sameysa fadhiyada casriga ayaa dhawaan laga hirgeliyay magaalada Baladweyne taasoo dabooshay baahidii loo qabay fadhiyada casriga, sida u radio Beerlula u sheegay Cabdiweli Cumar Axmed oo ah maamulaha warshadan.

Dhalinyaro badan oo markii hore heysan fursado shaqo ayaa hadda shaqo abuur ka helay warshadan.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here