Eedeysanayaal haystay malaayiin dollar oo la been abuuray oo lagu qabtay Nairobi.

0
373

Baladweyne(Radio Beerlula)- Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista ee Booliska Kenya waxay sheegeen inay saakayto gacanta ku soo dhigeen 8 Eedeysane oo 4 ka mid ah shisheeye yihiin iyo kayd lacago Dollar iyo Dollar been abuur ahaa.

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Dembi-baarista Kenya ee DCI  inay hawlgal ka fuliyeen dhismo ku yaalla magaalladda Nairobi, kuna soo qabteen 8 Eedeysane oo 4 ka mid ah ka soo kala jeedaan dalalka Nigeria, Tanzania iyo Kongadda Dimuqraadiga. Halka  afarta kale u dhasheen Kenya.

Bilihii Feberaayo iyo Maarso ee sannadkan, Boliska Kenya waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 34 Billion oo Shillinka Kenya, inkastoo dadkii lagu qabtay beeniyeen inay Lacagahaasi yihiin kuwo been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here