Maamulka Galmudug oo sheegay in biyo la’aan baahsan ay ka jirto gobolka Mudug.

0
359

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka macdanta iyo biyaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Faragle  oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in xiligan biyo la’aan baahsan ay ka jirto deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Axmed Shire faragle ayaa sheegay in deegaano ka mid ah gobolka Mudug oo uu booqday ay ku soo arkay xalaad adag oo dhanka biyaha isagoo ugu baaqay dowladda federaalka iyo hay’addaha samafalka inay gurmad la soo gaaran dadka dhibaateysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here