Eintracht Frankfurt VS Chelsea? Kaga bogo Xogta kulanka oo dhameestrian

0
491

Baladweyne(Radio Beerlula)-  Kooxda Chelsea ayaa booqaneysa caawa kooxda Frankfurt ee dalka Germany si ay u la soo ciyaarto kulanka lugta koowaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa League.

Wararka labada dhinac ka hor kulanka :

Frankfurt waxay dib u soo dhaweyn doontaa Evan Ndicka oo ganaax ku maqanaa, lakiin haatan waxa ay lumiyeen Ante Rebic oo qaadan doona ganaax hal kulan ah.

Sebastien Haller ayaan ciyaarin bishii hore oo dhan sababo dhaawac muruqa caloosha ah waxaana laga yaabaa inuu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan..

Antonio Rudiger ayay u badan tahay inuusan dib dambe u ciyaari doonin inta ka harsan xilli ciyaareedkan ka dib markii uu dhaawac labaad   jilibka ka soo gaaray kulankii isbuucaan.

Willian ayaa sidoo kale dhaawac ka soo gaaray kulankii Manchester United, laakiin waxaa la filayaa in uu qeeb ka noqdo safka kulanka caawa.

Xidigaha kala ah Ruben Loftus-Cheek ama Ross Barkley ayaa badalaya midkood Mateo Kovacic oo ku soo bilowday kulankii Horyaalka halka Pedro iyo Olivier Giroud ay sidoo kale rajeynayaan inay kusoo bilowdaan safka koowaad.

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Eintracht Frankfurt VS Chelsea? ( Europe League)

Goobta : Commerzbank Arena

Goorta : 10 :00 Habeenimo

Garsoorka : Carlos del Cerro (Spain)

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Waa markii ugu horeysay ee kooxd  reer Germany Eintracht Frankfurt’ ay soo gaarto wareegan isku dar tartamada yurub tan iyo 1979/80.

Waa markii sagalaad oo ay kooxda Chelsea soo tiigsato heerkan oo kale tan iyo markii uu milkiyada kooxdan la wareegay Abramovich sanadkii  2003/04 mana jirto koox ka badan laga soo bilaabo waqtigaas ilaa iyo hadda balse waxa ay min sagaal wadaagaan Barcelona.

Waa kulankoodii ugu horeeyey ee ay labadan koox ay wada kulmayaan, Eintracht ayaa qasaaro hore kala kulan tay kooxda reer England ee  Nottingham ciyaar ka dhacday garoonkeeda  sanadii  1967/68 ciyaartaas oo ku dhamaatay 1-0.

Chelsea ayaa qasaartay kulan ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo kooxaha reer Germany ( 5 badis iyo 4 bar-baro) waxaana xusid mudan in ay guuleysanayeen labadii mar ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo koox reer Germany oo aheyd Schalke sanadihii 2013/14 iyo 2014/15.

Eintracht Frankfurt ayaa dhalineysay  ugu yaraan 2 gool 20 kulan oo ka mid ah 23kii kulan ee ugu danbeysay ee (UEFA Europa League).

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here