Erdogan oo diiday qorshe mareykanka uu ka fulinayo dhulka Falanstiin.

0
428

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay tahay “wax aan xitaa laga hadli karin” in Tukriga uu taageero qorshaha dhaqaalaha ee Mareykanka uu ugu talo-galay Falastiin.

Qorshaha Aqalka Cad oo shaaca laga qaaday toddobaadkii tagay ayaa ku baaqaya maal-gelin 50 bilyan oo dollar ah oo muddo 10 sano ah lagu sameynayo dhulalka Falastiiniyiinta iyo dalalka Carabta ee deriska la ah.

“Waa wax xitaa aan laga hadlin karin inaan arrintan u eegno si wanaagsan” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha isaga oo saaran diyaarad uu kaga soo laabanayo shirka G-20 ee dalka Japan, sida laga soo xigtay wargeyska dowladda taageera ee Yeni Safak.

Qorshaha Mareykanka ayaa la sheegay in hadafkiisa uu yahay inuu hal milyan oo shaqooyin ah u abuuro Falastiiniyiinta.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka madaxweyne Trump uu ugu talo-galay Falastiin iyo Israel, kaasi oo loogu magac-daray “heshiiska qarniga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here