Eritrea oo xirtay baraha bulshada

0
373

Baladweyne(Radio Beerlula)- Baraha bulshada ayaa laga xiray dalka Eritrea, dadka ayaana fariimo ka soo diraya dalkaas iyaga oo adeegsanaya adeegga VPN-ka loo yaqaanno.

Ma cadda sababta loo xiray, balse waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegay in dawladdu ay u xirtay baraha bulshada si ay uga gaashaamato in lagu abaabulo dibadbaxyo lagu carqaladaynayo maalinta xoriyadda ee 24 May.

Dareenka ka dhashay isbadal la’aanta siyaasadeed ee Eritrea ayaa sii xoogaysanaya, xisbiga kali kali ah ee dalkaas ka jira ee madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalkaas hoggaaminayay tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1993-dii.

Website-ka wax ka qora arrimaha internetka ee Internet World Stats ayaa sheegay in Eritrea ay tahay dalka ugu internet isticmaal yar dunida oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here