Erling Haaland Oo 5 Gool Dhaliyey Kulan Ay Man City Ugu Gudubtay Wareegga 8da FA Cup

0
82

Baladweyne (Radio Beerlula)-Erling Haaland ayaa shan gool dhaliyey kulan ay kooxdiisa Manchester City 6-2 ku xasuuqday Luton Town, taas oo ay ugu gudubtay wareegga siddeedda tartanka FA Cup.

Manchester City oo ah kooxda koobka difaacanaysa, ayaa waxa shan gool oo isku xiga u dhaliyey Erling Haaland oo qaybtii horeba dhamaystiray saddexlaydiisa hore, ka hor intii aanu labada gool ee kale dhalinin qaybta labaad.

Waxay ahayd markii siddeedaad ee uu Erling Haaland saddexlay u dhaliyo Manchester City, halka uu sidoo kalena noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee laba jeer min shan gool u dhaliya Manchester City intii ay dhisnayd.

 

Saddex daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay ayuu Erling Haaland ciyaarta ku furay gool uu caawintiisa lahaa Kevin de Bruyne oo isaguna afar gool caawiye ka ahaa kulankan, isla markaana noqday ciyaartoygii koowaad ee Man City ah ee afar gool caawiya hal kulan gudihii.

18 daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay ayuu Erling Haaland hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa oouu dhaliyey goolka labaad, halka dhamaadka qaybta hore oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan yihiinna uu keenay goolka saddexaad. Saddexdan goolba waxa caawiyey Kevin de Bruyne.

Luton Town ayaa u muuqanaysay inay soo laabanayso qaybta labaad, waxaana laba gool u dhaliyey Jordan Carlk oo ciyaarta ka dhigay 3-2, hase yeeshee Erling Haaland ayaa mar kale soo noqday oo isaguna laba gool oo daran doorri ah ugu jawaabay, halka goolka lixaadna uu dhaliyey Mateo Kovacic.

Ka sokow Manchester City, waxa kale oo wareegga siddeedda FA Cup usoo gudbay Leicester City iyo Newcastle United oo kasoo kala adkaaday Bournemouth iyo Blackburn Rovers.