Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga weerarka uga ciyaara Man City ee Erling Haaland ayaa sii wada wacdarihii uu dhigayay tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
City ayaa Leipzig ku garaacady 7 gool xilli Haaland uu dhaliyay 5 gool iyadoo mid aheyd rigoore
Xogta Dib U Eegida
Erling Haaland waa ciyaaryahankii seddexaad ee dhaliyay shan gool hal kulan oo UEFA Champions League ah kadib Luiz Adriano bishii October 2014 (Shakhtar Donetsk vs BATE Borisov) iyo Lionel Messi bishii March 2012 (Barcelona v Bayer Leverkusen).
Erling Haaland ayaa Man City u dhaliyay shan hat-trick tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, isagoo seddex gool ka badan ciyaaryahan kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub. Waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Premier League ah ee shan seddexley ka dhaliya hal xilli ciyaareed tan iyo Harry Kane xilli ciyaareedkii 2016-17.
Sidoo kale waxa uu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee champions League ka dhaliya 30 gool isaga oo jira 22 sano iyo 236 maalin.