Gaadiidkii ku xayirna buunnada Ceel Gaal oo bilaabay inay isticmalan wado macmal ah oo la geed qaaday si ay u soo gaaran Baladweyne

0
347

Baladweyne(Radio Beerlula)- Maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada iyo Gaadiidleyda gobolka ayaa bilaabay inay geed qaadan wado macmal ah oo loogu talo galay inay maran gaadiidka ku xayiran labada dhinac ee buunnada Ceel Gaal oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra qeybo ka mid ah gobollada koonfurta iyo waqooyiga dalka.

Muddo ka badan shan maalmood ma jirin wax gaadiid ah oo u kala gudbayay gobollada koonfureed iyo waqooyiga dalka  kadib markii buunnada Ceel Gaal uu burbur ka soo gaaray dadaad ka soo rogmaday buuraha ku xeeran deegaanka.

Bunnnada deegaanka Ceel ayaa waxaa hadda ka socda dib u dhis lagu sameynayo, iyadoo dhismahan ay iska kaashanaya maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan iyo gaadiidleyda gobolka.

Gaadiidkii ku kala xayirna labada dhinac ayaa  hadda  bilaabay inay  maran wadada macmalka ee la geed qaaday.

Duqa magaalada Baladweyne Khadar Xassan Afrax ayaa sheegay in  burburka buunnada Ceel Gaal laga dhaxlay dhibaatooyin badan basle hadda gaadiidka ay isticmaali doonaan wado macmal ah isagoo ugu baaqay cid kasta oo wax heysata inay ka qeyb qaatan dhismaha buunnadan.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan Ameeriko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here