Gabadh furitaan ku helaysa 35 bilyan oo doolar

0
397

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ninka dunida ugu taajirsan Jeff Bezos iyo xaaskiisa MacKenzie ayaa ku heshiiyay in ay is furaan gabadhana la siiyo ugu yaraan 35 bilyan oo doolar.

MacKenzie ayaa saami 4% ah ku sii lahaan doonta shirkadda wayn ee dhanka online-ka ee Amazon, taas oo ninkeedu uu aas aasay shan iyo labaatan sano ka hor.

Waxayse faraha ka qaadi doontaa oo aysan saami ku yeelan doonin shirkadda Blue Origin iyo wargeyska Washington Post oo ninkeedu leeyahay.

Dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan furitaanka ayaa ka saremaraya midkii ugu badnaa abid oo ahaa $3.8 bilyan oo uu bixiyay Alec Wildenstein oo farshaxanka ka shaqaysta wuxuuna siiyay xaaskiisii hore Jocelyn.

MacKenzie ayaa arrintan ku shaacisay barteeda bulshada oo ay adeegsatay markii u horraysay iyadoo ku soo biirtay bishan horraanteedii.

Waxay sheegtay “in ay ku faraxsan tahay in ay dhamaystirantay qorshihii furitaankeeda arrintaasna ay iska kaashadeen iyada iyo Jeff ”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here